KULMIS HUB
5ta Jaamacadood ee Dowladda Austria ugu Caansan uguna Kharashka Jaban | Kulmishub

5ta Jaamacadood ee Dowladda Austria ugu Caansan uguna Kharashka Jaban | Kulmishub

Wadanka: Austria

5ta Jaamacadood ee Dowladda Austria ugu Caansan uguna Kharashka Jaban: Bachelor, Master iyo Shuruudaha Admission-ka

Austria waa mid ka mid ah dalalka Yurub ee leh jaamacado tayo sare leh, cilmi-baaris horumarsan iyo fursado waxbarasho oo ay heli karaan ardayda caalamiga ah. Dalka waxaa ku yaalla jaamacado dowladeed oo bixiya barnaamijyo kala duwan oo Bachelor, Master iyo PhD ah.

Ardayda Soomaaliyeed ee doonaya inay waxbarasho sare ka helaan Yurub waxay Austria u tixgelin karaan waddan ay ka baari karaan fursado waxbarasho oo kharashkoodu hooseeyo, gaar ahaan jaamacadaha dowladda.

Maqaalkan Kulmis Hub waxaan ku soo bandhigaynaa macluumaad ku saabsan Austria, shan jaamacadood oo dowladeed oo caan ah, barnaamijyada ay bixiyaan, shuruudaha Bachelor iyo Master, dukumentiyada lagaaga baahan karo iyo kharashka waxbarashada.

1. Austria: Dal leh nidaam waxbarasho oo heer sare ah

Austria waa dal ku yaalla Bartamaha Yurub, caasimaddiisuna waa Vienna. Dalka wuxuu caan ku yahay tayada waxbarashada, dhaqanka, horumarka sayniska iyo cilmi-baarista.

Nidaamka waxbarashada sare ee Austria wuxuu ka kooban yahay jaamacado dowladeed, jaamacado farsamo, jaamacado Applied Sciences ah iyo jaamacado gaar loo leeyahay.

Jaamacadaha dowladda ayaa si gaar ah u soo jiita ardayda caalamiga ah, sababtoo ah kharashkooda waxbarasho guud ahaan wuu ka hooseeyaa kan jaamacado badan oo gaar loo leeyahay.

Heerarka waxbarashada Austria

Bachelor's Degree

Bachelor waa heerka koowaad ee jaamacadda. Barnaamijyo badan waxay qaataan saddex sano, oo u dhiganta lix semester, laakiin muddadu way ku kala duwanaan karaan barnaamijyada.

Master's Degree

Master waa heerka labaad ee waxbarashada sare. Barnaamijyo badan waxay qaataan laba sano, inkastoo qaarkood ay ka gaaban yihin ama ka dheeraan karaan.

PhD / Doctoral Studies

Waa heerka cilmi-baarista sare, waxaana badanaa loo baahan yahay Master ama shahaado u dhiganta.

Luuqadda waxbarashada

Luuqadda ugu badan ee waxbarashada jaamacadaha Austria waa German. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira Master's programs badan oo English lagu dhigto, iyo Bachelor programs qaarkood oo English ah.

Ardayda doonaysa inay English wax ku bartaan waa inay si gaar ah u raadiyaan barnaamijyada lagu calaamadeeyey/ lagu sheegay  English-taught.

Waxaa muhiim ah in aan la isku khaldin jaamacad bixisa barnaamijyo English ah iyo barnaamij kasta oo jaamacaddaas ka jira. Barnaamij kasta wuxuu leeyahay luuqad iyo shuruudo u gaar ah.

2. Shan jaamacadood oo dowladda Austria ah oo caan ah

Hoos waxaa ku qoran shan jaamacadood oo dowladeed oo caan ah. Liiskani ma aha kala sarreyn rasmi ah, balse waa jaamacado ardayda caalamiga ahi ka baari karaan fursadaha Bachelor iyo Master.

1. University of Vienna

University of Vienna waa mid ka mid ah jaamacadaha ugu taariikhda dheer Austria. Waxaa la aasaasay sanadkii 1365, waxayna ku taallaa caasimadda Vienna.

Jaamacaddu waxay bixisaa barnaamijyo kala duwan oo la xiriira:

Computer Science  |  Business and Economics  | Social Sciences  | Law  | Psychology  |  Natural Sciences
Humanities | Data Science

Shuruudaha Bachelor

Ardayga codsanaya Bachelor guud ahaan waxaa laga rabaa:

1. Shahaadada dugsiga sare oo buuxinaysa shuruudaha gelitaanka jaamacadda.
2. Transcript ama natiijooyinka waxbarashada.
3. Baasaboor shaqaynaya.
4. Caddeynta luuqadda barnaamijka.
5. Dukumentiyo dheeraad ah haddii barnaamijku leeyahay admission procedure.

Shuruudaha Master

Ardayga Master doonaya waxaa guud ahaan laga rabaa:

1. Bachelor degree la xiriira maaddada uu codsanayo.
2. Transcript-ka jaamacadda.
3. Caddeynta luuqadda waxbarashada.
4. CV ama dukumentiyo kale haddii barnaamijku dalbado.
5. Course descriptions ama dukumentiyo muujinaya maaddooyinkii uu hore u bartay, haddii loo baahdo.

Luuqadda: Barnaamijyada German-ka badankood waxay u baahan yihiin German C1 marka la gelayo. Barnaamijyada English-ka badankood waxay dalban karaan English B2, iyadoo ku xiran barnaamijka.

Website-ka rasmiga ah:

https://www.univie.ac.at/en/

Faahfaahinta luuqadda:

https://studieren.univie.ac.at/en/applying-for-a-programme/language-proficiency/

2. TU Wien – Vienna University of Technology

TU Wien waa jaamacad dowladeed oo si gaar ah caan ugu ah engineering, technology, architecture iyo cilmi-baarista sayniska.

Waxay ku kubiiri  kara ardayda xiisaynaysa:

Computer Science  | Software Engineering
 Artificial Intelligence  | Electrical Engineering
Mechanical Engineering  | Civil Engineering
Architecture  |Technical Sciences

Shuruudaha Bachelor

Ardayga codsanaya Bachelor waxaa guud ahaan laga rabaa:

1. Shahaadada dugsiga sare.
2. Transcript-ka dugsiga sare.
3. Baasaboor.
4. Caddeynta luuqadda waxbarashada.
5. Shuruudaha gelitaanka gaarka ah ee barnaamijka.

Qaar ka mid ah barnaamijyada sida Computer Science, Architecture iyo Spatial Planning waxay leeyihiin imtixaan ama habraac gelitaan gaar ah.

Shuruudaha Master

Ardayga codsanaya Master waxaa laga rabaa:

1. Bachelor degree la xiriira barnaamijka.
2. Transcript-ka jaamacadda.
3. Caddeynta luuqadda English ama German.
4. Dukumentiyo muujinaya maaddooyinkii uu hore u bartay.
5. Shuruudo dheeraad ah haddii barnaamijku leeyahay selection procedure.

TU Wien waxay leedahay Master's programs lagu dhigto English iyo German. Sidaas darteed, waa muhiim in la hubiyo luuqadda barnaamijka la dooranayo.

Kharashka waxbarashada  iyo ka-dhaafitaanka ardayda Soomaaliyeed

TU Wien waxay sheegaysaa in kharashka caadiga ah ee arday badan oo aan EU/EEA ahayn uu yahay €726.72 semester-kii, marka lagu daro khidmadda ururka ardayda.

Laakiin waxaa jira war muhiim ah: Soomaaliya waxay ku jirtaa liiska dalalka laga dhaafay tuition fee-ga TU Wien. Ardayga haysta dhalashada Soomaaliya ee buuxiya shuruudaha ka-dhaafitaanka wuxuu bixin karaa oo keliya khidmadda ururka ardayda, oo ah €26.20 semester-kii.

Ka-dhaafitaankan waxaa lagu dabaqaa shuruudaha jaamacadda iyo xaaladda ardayga; waa in laga xaqiijiyaa Admissions Office ka hor inta aan lacag la qorsheyn.

Website-ka rasmiga ah:
https://www.tuwien.at/en/

Admission:
https://www.tuwien.at/en/studies/admission

Tuition fees:
https://www.tuwien.at/en/studies/admission/students-union-fee-and-tuition-fee/tuition-fee

3. University of Graz

University of Graz waa jaamacad dowladeed oo ku taalla magaalada Graz. Waxay bixisaa barnaamijyo badan oo la xiriira sayniska, ganacsiga, bulshada iyo cilmiga kale.

Qaybaha waxbarashada waxaa ka mid ah:

 Business and Economics  | Computer Science
Natural Sciences | Social Sciences  | Humanities
-Environmental Studies  | Law  | Molecular Biology

Shuruudaha Bachelor

Ardayga doonaya Bachelor waxaa laga rabaa:

1. Shahaadada dugsiga sare oo u dhiganta shuruudaha gelitaanka.
2. Transcript ama natiijooyinka waxbarashada.
3. Baasaboor.
4. Caddeynta luuqadda German ama luuqadda barnaamijka.
5. Dukumentiyo dheeraad ah haddii barnaamijku leeyahay imtixaan gelitaan.

Jaamacaddu waxay sheegtay in inta badan Bachelor iyo Diploma programs-keeda lagu dhigto German. Ardayda aan haysan German ku filan waxay u baahan karaan inay marka hore gaaraan heerka loo baahan yahay.

Shuruudaha Master

Ardayga codsanaya Master waxaa guud ahaan laga rabaa:

1. Bachelor degree ugu yaraan saddex sano ah ama waxbarasho u dhiganta.
2. Transcript-ka jaamacadda.
3. Caddeynta maaddooyinka uu hore u bartay.
4. Caddeynta luuqadda waxbarashada.
5. Foomka codsiga iyo dukumentiyada dheeraadka ah ee barnaamijka.

Jaamacaddu waxay leedahay Master's programs lagu dhigto English, sidaas darteed ardayda aan German aqoon waxay ka baari karaan barnaamijyadaas.

Kharashka waxbarashada

Ardayda ka yimaada dalalka aan EU/EEA ahayn guud ahaan waxaa laga qaadaa €726.72 semester-kii iyo khidmadda ururka ardayda. Ka-dhaafitaanno gaar ah ayaa jira, waxaana muhiim ah in laga hubiyo jaamacadda in jinsiyadda iyo xaaladda ardaygu buuxinayaan shuruudaha.

Website-ka rasmiga ah:

https://www.uni-graz.at/en/

International admission:

https://www.uni-graz.at/en/studies/admission-and-deadlines/internationals/

4. University of Innsbruck

University of Innsbruck waa jaamacad dowladeed oo ku taalla magaalada Innsbruck ee gobolka Tyrol. Waxay bixisaa barnaamijyo waxbarasho iyo cilmi-baaris oo kala duwan.

Qaybaha waxbarashada waxaa ka mid ah:

 Computer Science | Business and Economics
 Natural Sciences  | Social Sciences
 Humanities  | Environmental Studies |  Engineering-related fields

Shuruudaha Bachelor

Ardayda caalamiga ah ee doonaysa Bachelor waxaa guud ahaan laga rabaa:

1. Shahaadada dugsiga sare.
2. Transcript-ka dugsiga sare.
3. Baasaboor shaqaynaya.
4. CV.
5. Caddeynta luuqadda waxbarashada.
6. Turjumaad iyo sharciyeyn dukumentiyada haddii loo baahdo.

Jaamacaddu waxay sheegaysaa in barnaamijyada German-ka lagu dhigto ay u baahan karaan German A2 marka la codsanayo iyo B2 marka la gelayo waxbarashada caadiga ah.

Shuruudaha Master

Ardayga Master doonaya waxaa laga rabaa:

1. Bachelor degree la xiriira barnaamijka.
2. Transcript-ka jaamacadda.
3. Diploma Supplement haddii la heli karo.
4. CV.
5. Baasaboor.
6. Caddeynta luuqadda English ama German.
7. Turjumaad iyo sharciyeyn dukumentiyada haddii loo baahdo.

Barnaamijyada English-ka lagu dhigto guud ahaan waxay dalban karaan English B2, halka barnaamijyada German-ka ay leeyihiin shuruudo German oo u gaar ah.

Fursad muhiim ah oo ardayda Soomaaliyeed ah

University of Innsbruck waxay liiskeeda rasmiga ah ku dartay Soomaaliya dalalka laga dhaafay tuition fee-ga ardayda degree programs-ka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in ardayda Soomaaliyeed ee buuxiya shuruudaha ay ka bixin karaan oo keliya khidmadda ururka ardayda, halkii ay ka bixin lahaayeen tuition fee-ga €726.72 semester-kii.

Ka-dhaafitaanku waa in laga xaqiijiyaa jaamacadda marka codsiga la samaynayo.

Website-ka rasmiga ah:

https://www.uibk.ac.at/en/

Admission:

https://www.uibk.ac.at/en/admission-department/admission/

Tuition fees:

https://www.uibk.ac.at/en/admission-department/admission/tuition-fee-and-financial-support/

5. Johannes Kepler University Linz (JKU Linz)

Johannes Kepler University Linz waa jaamacad dowladeed oo ku taalla magaalada Linz. Waxay caan ku tahay technology, business, engineering iyo cilmi-baarista sayniska.

Qaybaha waxbarashada waxaa ka mid ah:

-Computer Science  | Artificial Intelligence
Business and Economics. |  Business Analytics
 Engineering  |  Law  | Natural Sciences  | Social Sciences

Shuruudaha Bachelor

Ardayga codsanaya Bachelor guud ahaan waxaa laga rabaa:

1. Shahaadada dugsiga sare.
2. Transcript-ka waxbarashada.
3. Baasaboor.
4. Caddeynta luuqadda waxbarashada.
5. Dukumentiyo dheeraad ah oo ku xiran barnaamijka.

JKU waxay leedahay barnaamijyo Bachelor ah oo English lagu dhigto, tusaale ahaan Artificial Intelligence iyo Biological Chemistry. Barnaamijyada kale qaarkood waxay noqon karaan German ama laba luuqadood.

Shuruudaha Master

Ardayga doonaya Master waxaa guud ahaan laga rabaa:

1. Bachelor degree la xiriira barnaamijka.
2. Transcript-ka jaamacadda.
3. Caddeynta luuqadda English ama German.
4. Dukumentiyada kale ee barnaamijku dalbado.
5. In waxbarashadii hore ay buuxiso shuruudaha maaddooyinka iyo credits-ka.

JKU waxay leedahay Master's programs English ah oo ay ka mid yihiin Artificial Intelligence, Computer Science iyo Economic and Business Analytics.

Kharashka waxbarashada

Ardayda aan EU/EEA ahayn guud ahaan waxaa lagu dabaqaa tuition fee-ga €726.72 semester-kii iyo khidmadda ururka ardayda. Ardayga waa inuu si toos ah uga hubiyaa JKU haddii uu jiro ka-dhaafitaan ku habboon xaaladdiisa.

Website-ka rasmiga ah:

https://www.jku.at/en/

International students:

https://www.jku.at/en/degree-programs/international-students/international-students/

Barnaamijyada waxbarashada:

https://www.jku.at/en/degree-programs/academic-degree-programs/

3. Isbarbardhigga shanta jaamacadood

Jaamacadda| Qaybaha ay ku xooggan tahay| Heerarka
University of Vienna| Business, Social Sciences, Computer Science| Bachelor & Master

TU Wien| Technology, Engineering, Computer Science| Bachelor & Master

University of Graz| Business, Sciences, Social Sciences| Bachelor & Master

University of Innsbruck| Sciences, Computer Science, Business| Bachelor & Master

JKU Linz| AI, Computer Science, Business Analytics| Bachelor & Master

Liiskani wuxuu muujinayaa qaybaha waxbarasho ee jaamacaduhu bixiyaan; ma aha in dhammaan barnaamijyada lagu dhigto English.

4. Kharashka waxbarashada: Immisa ayaa la bixiyaa?

Sida ku cad xogta rasmiga ah ee Study in Austria, ardayda ka yimaada dalalka aan EU/EEA ahayn ee haysta Residence Permit – Student guud ahaan waxaa laga qaadaa:

- Tuition fee: €726.72 semester-kii.
- Students' Union Fee (ÖH): €26.20 semester-kii.
- Wadarta guud: €752.92 semester-kii.
- Laba semester: €1,505.84 sanadkii.

Laakiin ardayda qaar ayaa heli kara ka-dhaafitaan ama lacag celin. Shuruudaha jaamacaduhu way kala duwan yihiin.

Muhiim u ah ardayda Soomaaliyeed: TU Wien iyo University of Innsbruck waxay Soomaaliya ku dareen liiska dalalka laga dhaafay tuition fee-ga. University of Graz iyo University of Vienna sidoo kale waa in si gaar ah looga hubiyaa liisaskooda iyo shuruudaha ka-dhaafitaanka.

Ka-dhaafitaanka tuition fee-ga macnaheedu ma aha in waxbarashada, nolosha iyo safarka oo dhan bilaash yihiin. Khidmadda ÖH iyo kharashaadka kale ayaa weli jiri kara.

5. Dukumentiyada guud ee Bachelor admission

Ardayga doonaya inuu Austria ka bilaabo Bachelor wuxuu u baahan yahay inuu diyaariyo dukumentiyada waxbarashadiisa hore.

Dukumentiyada guud waxaa ka mid noqon kara:

1. Baasaboor shaqaynaya.
2. Shahaadada dugsiga sare.
3. Transcript-ka ama natiijooyinka dugsiga sare.
4. Caddeynta luuqadda waxbarashada.
5. Foomka codsiga jaamacadda.
6. Sawir passport ah haddii la dalbado.
7. Turjumaad rasmi ah oo dukumentiyada ah haddii loo baahdo.
8. Legalisation ama certification haddii jaamacaddu dalbato.
9. Dukumentiyo dheeraad ah oo la xiriira barnaamijka.

Shuruudaha muhiimka ah ee Bachelor

Shahaadada dugsiga sare waa inay buuxisaa shuruudaha gelitaanka jaamacadda Austria. Jaamacaddu waxay qiimeyn kartaa in shahaadadaadu kuu oggolaanayso inaad jaamacad ka gasho dalka aad wax ku soo baratay iyo in kale.

Haddii shahaadadaadu u baahan tahay qiimeyn dheeraad ah, waxaa dhici karta in lagu weydiiyo imtixaan ama koorsooyin diyaar-garow ah.

Sidoo kale, barnaamijyada qaarkood waxay leeyihiin imtixaan gelitaan ama tiro arday oo xaddidan.

6. Dukumentiyada guud ee Master's admission

Ardayga doonaya Master waa inuu haystaa Bachelor degree la xiriira barnaamijka uu codsanayo.

Dukumentiyada guud waxaa ka mid noqon kara:

1. Baasaboor shaqaynaya.
2. Shahaadada Bachelor.
3. Transcript-ka jaamacadda.
4. Diploma Supplement haddii la heli karo.
5. CV (Curriculum Vitae).
6. Motivation Letter ama Statement of Purpose haddii la dalbado.
7. Caddeynta luuqadda English ama German.
8. Course descriptions ama syllabus haddii loo baahdo.
9. Recommendation Letters haddii barnaamijku dalbado.
10. Turjumaad iyo sharciyeyn dukumentiyada haddii loo baahdo.

Bachelor degree-ga maaddadiisa

Jaamacadaha Austria badankood waxay rabaan in Bachelor-kaagu la xiriiro Master's program-ka aad codsanayso.

Tusaale ahaan:

- Bachelor in Computer Science → Master in Computer Science.

- Bachelor in Information Technology → Master in Information Systems ama barnaamij IT la xiriira.

- Bachelor in Business Administration → Master in Business ama Economics.

- Bachelor in Mathematics → Master in Data Science ama barnaamijyo la xiriira, haddii shuruudaha maaddooyinka la buuxiyo.

Haddii Bachelor-kaagu aanu la jaanqaadin barnaamijka, jaamacaddu waxay codsan kartaa maaddooyin dheeraad ah ama waxay diidi kartaa codsiga.

7. Shuruudaha luuqadda: English iyo German

Luuqaddu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ardaygu hubinayo ka hor inta uusan codsan.

Haddii barnaamijka lagu dhigto English

Jaamacadaha qaarkood waxay dalban karaan:

IELTS.  |  TOEFL.  | Cambridge English.
PTE Academic.  | Caddeyn kale oo jaamacaddu aqbasho.

Heerka la rabo wuxuu ku xiran yahay barnaamijka. Qaar waxay dalban karaan B2, qaarna C1.

Haddii barnaamijka lagu dhigto German

Waxaa laga yaabaa in lagaa rabo:

- German A2 marka aad codsanayso, haddii jaamacaddu sidaas dhigto.

- German B2 ama C1 marka bilaabeyso barnaamijka caadiga ah, iyadoo ku xiran jaamacadda iyo barnaamijka.

Tusaale ahaan, University of Vienna waxay barnaamijyada Bachelor-ka iyo Master's-ka German-ka lagu dhigto guud ahaan u baahan kartaa German C1 marka course bilabanayo. 

University of Innsbruck waxay leedahay habraac A2 marka la codsanayo iyo B2 marka la gelayo barnaamijyo badan oo German lagu dhigto.

8. Sidee loo codsadaa jaamacadaha Austria?

Austria ma laha hal portal oo dhexe oo dhammaan jaamacadaha dowladda laga codsado. Ardaygu wuxuu codsiga si toos ah ugu gudbiyaa jaamacadda uu doortay.

Tallaabooyinka guud:

Tallaabada 1: Dooro jaamacadda

Dooro jaamacad ku habboon maaddadaada iyo heerka waxbarashada.

Tallaabada 2: Dooro Bachelor ama Master

Hubi in barnaamijka aad rabto uu yahay mid aad u qalanto.

Tallaabada 3: Hubi luuqadda

Ogow in barnaamijka lagu dhigto English ama German.

Tallaabada 4: Akhri shuruudaha admission-ka

Jaamacad kasta waxay leedahay shuruudo u gaar ah. Hubi dukumentiyada, deadline-ka iyo habka codsiga.

Tallaabada 5: Diyaari dukumentiyada

Diyaari shahaadooyinka, transcripts, CV iyo caddeynta luuqadda.

Tallaabada 6: Gudbi codsiga

Ku gudbi website-ka rasmiga ah ee jaamacadda.

Tallaabada 7: Sug jawaabta jaamacadda

Jaamacaddu waxay kuu soo diri kartaa admission, codsi dukumenti dheeraad ah ama go'aan kale.

9. Residence Permit iyo dukumentiyada safarka

Marka ardaygu helo admission, waxaa xigi kara codsiga Residence Permit – Student.

Dukumentiyada guud waxaa ka mid noqon kara:

- Baasaboor shaqaynaya.
- Warqadda admission-ka.
- Caddeynta dhaqaalaha.
- Caddeynta hoyga Austria.
- Caymis caafimaad oo ku habboon shuruudaha deggenaanshaha.
- Sawir passport ah.
- Police Clearance Certificate.
- Dukumentiyada kale ee hay'adda socdaalku dalbato.

Police Clearance Certificate waxaa laga yaabaa in laga dalbado codsiga koowaad. Waa muhiim in la hubiyo muddada uu shaqaynayo iyo shuruudaha legalisation-ka ka hor inta aan la soo saarin.

Sidoo kale, admission-ka jaamacaddu kaligiis ma dammaanad qaadayo in Residence Permit la siinayo. Codsiga deggenaanshaha waxaa si gaar ah u qiimeeya hay'adda Austria ee awoodda u leh.

10. Link-yada rasmiga ah

Ardayda doonaysa inay si toos ah uga baaraan jaamacadaha iyo shuruudahooda waxay isticmaali karaan link-yadan:

Jaamacadaha:

- University of Vienna: https://www.univie.ac.at/en/

- TU Wien: https://www.tuwien.at/en/

- University of Graz: https://www.uni-graz.at/en/

- University of Innsbruck: https://www.uibk.ac.at/en/

- JKU Linz: https://www.jku.at/en/

Macluumaadka guud:

- Study in Austria: https://studyinaustria.at/en/
- Tuition Fees: https://studyinaustria.at/en/tuition
- OeAD – Residence Permit Student: https://oead.at/en/to-austria/entry-and-residence/residence-permit-student-no-mobility-programme

Gunaanad

Austria waa waddan ay mudan tahay in ardayda Soomaaliyeed ee doonaya Bachelor ama Master ay tixgeliyaan. Jaamacadaha dowladda waxay bixiyaan barnaamijyo kala duwan oo la xiriira Computer Science, Business, Engineering, Artificial Intelligence, Social Sciences iyo culuum kale.

Waxaa si gaar ah muhiim u ah in ardayda Soomaaliyeed ay ogaadaan in jaamacadaha qaarkood, sida TU Wien iyo University of Innsbruck, ay leeyihiin ka-dhaafitaan tuition fee oo loogu talagalay ardayda ka soo jeeda Soomaaliya, haddii ay buuxiyaan shuruudaha jaamacadda.

Si kastaba ha ahaatee, ka hor inta aan codsi la gudbin, waa in la hubiyaa luuqadda waxbarashada, shahaadada loo baahan yahay, kharashka, deadline-ka iyo dukumentiyada admission-ka.

Ha ku degdegin codsi aanad shuruudihiisa hubin. Marka hore dooro jaamacadda iyo barnaamijka kugu habboon, kadibna diyaari dukumentiyadaada.

Kulmis Hub – Hoyga Fursadaha Caalamiga ah

Fursadahaaga, Mustaqbalkaaga.

Ogowne, fursadda maanta waxay noqon kartaa mustaqbalkaaga berri.