🎓 Hordhac
University of Turin (UniTo) waa jaamacad dowladeed oo ku taalla magaalada Turin ee dalka Talyaaniga. Jaamacaddan waxay soo dhoweysaa ardayda caalamiga ah ee doonaya inay waxbarashadooda ka sii wataan dalka Talyaaniga gaar ahaan heerarka Bachelor ama Master.
Jaamacaddu waxay leedahay barnaamijyo waxbarasho oo kala duwan, waxaana jira koorsooyin lagu dhigto luuqadda Ingiriisiga iyo kuwa lagu dhigto luuqadda Talyaaniga. Ardayda haysta shahaadooyin waxbarasho oo dibadda laga qaatay waxay codsigooda ku gudbin karaan nidaamka rasmiga ah ee Apply@UniTo, iyagoo raacaya shuruudaha barnaamijka ay dooranayaan.
Sanad-dugsiyeedka 2027/2028, jaamacaddu waxay shaacisay waqtiyo codsi oo kala duwan oo loogu talagalay ardayda doonaysa Bachelor iyo Master.
📅 1. Waqtiga codsiga Bachelor iyo Master
Jaamacaddu waxay leedahay laba waqti oo waaweyn oo codsiyada lagu gudbinayo:
Master’s Degree
- Furitaanka: 25 November 2026
- Xiritaanka: 29 January 2027
- Waxaa loogu talagalay codsadayaasha haysta shahaado Bachelor oo dibadda laga qaatay.
Bachelor’s Degree
- Furitaanka: 19 February 2027
- Xiritaanka: 15 April 2027
- Waqtigani wuxuu khuseeyaa barnaamijyada Bachelor-ka ee aan lahayn tartan boosaska kooban (free admission).
Barnaamijyada Bachelor-ka ee leh boosaska kooban waxay yeelan karaan nidaam codsi iyo jadwal gaar ah. Sidaas darteed, ardaydu waa inay hubiyaan bogga barnaamijka ay doonayaan.
💶 2. Application Fee
Jaamacadda University of Turin waxay codsiga ardayda caalamiga ah ku xirtay khidmad dhan €70.
- Hal codsi ama ilaa laba barnaamij ayaa lagu ogalyahay marka aad nidaamka Apply@UniTo kaxaresaneso.
- Ardaygu wuxuu dooran karaa ugu badnaan laba barnaamij.
- Haddii labada barnaamijba ardayga laga aqbalo, waa inuu midkood doortaa marka uu isdiiwaangelinayo.
Fadlan ogow in €70 ay tahay khidmadda codsiga, mana aha lacagta waxbarashada ama tuition fee-ga.
📚 3. Shuruudaha ardayda codsanaysa
Shuruudaha saxda ah waxay ku xiran yihiin heerka waxbarasho iyo barnaamijka aad codsaneso
Bachelor’s Degree:
- Shahaadada dugsiga sare.
- Natiijooyinka waxbarashada (transcript).
- Baasaboor shaqaynaya.
- Dukumentiyada kale ee barnaamijku dalbado.
- Imtixaanka TOLC haddii barnaamijka lagaaga baahan yahay.
Master’s Degree:
- Shahaadada Bachelor.
- Transcript-ka jaamacadda.
- CV (Curriculum Vitae).
- Motivation Letter.
- Baasaboor shaqaynaya.
- Dukumentiyada kale ee barnaamijka laga yaabo inuu dalbado.
Jaamacaddu waxay sidoo kale codsan kartaa syllabus, caddaynta nidaamka dhibcaha (grading system), ama dukumentiyo kale oo lagu qiimeynayo waxbarashada hore.
🌐 4. Barnaamijyada luuqadda Ingiriisiga
University of Turin waxay bixisaa barnaamijyo kala duwan oo lagu dhigto Ingiriisiga. Ardayda doonaysa inay codsadaan waa inay marka hore hubiyaan in barnaamijka ay dooranayaan lagu dhigto luuqadda ay rabaan.
Shuruudaha caddeynta luuqadda Ingiriisiga way ku kala duwanaan karaan barnaamijyada. Sidaas darteed, ha u qaadan in dhammaan barnaamijyadu aqbalayaan MOI (Medium of Instruction) ama ay leeyihiin shuruudo isku mid ah.
Arday kasta waa inuu akhriyaa shuruudaha gaarka ah ee koorsada uu dooranayo.
🌍 5. Macluumaadka ardayda aan EU-da ka tirsanayn
Ardayda aan EU-da ka tirsanayn ee ku nool meel ka baxsan Talyaaniga, una baahan fiisaha waxbarashada, waxaa jira tallaabo dheeraad ah oo muhiim ah.
Marka codsiga jaamacadda la gudbiyo oo la helo natiijada admission-ka, ardaygu waa inuu raaco nidaamka pre-enrolment-ka ee Universitaly.
Jaamacaddu waxay sheegtay in codsiga Universitaly ee sanad-dugsiyeedka 2027/2028 la gudbiyo ugu dambayn 15 July 2027.
Waxaa muhiim ah in la ogaado:
- Apply@UniTo waxaa lagu dooran karaa ilaa laba barnaamij.
- Universitaly waxaa lagu dooran karaa hal barnaamij oo keliya.
- Ardaygu waa inuu hubiyaa safaaradda ama qunsuliyadda Talyaaniga ee qaabilsan waddanka uu deggan yahay.
- Admission-ka jaamacaddu ma dammaanad qaadayo helitaanka fiisaha.
📝 6. Sidee loo codsan karaa?
Ardayda doonaysa inay codsadaan waxay raaci karaan tallaabooyinkan:
1. Booqo website-ka rasmiga ah ee University of Turin.
2. Gal nidaamka Apply@UniTo.
3. Dooro sanad-dugsiyeedka 2027/2028.
4. Dooro heerka waxbarasho ee Bachelor ama Master.
5. Raadi barnaamijka aad rabto.
6. Akhri shuruudaha gelitaanka iyo dukumentiyada loo baahan yahay.
7. Diyaari dukumentiyadaada.
8. Buuxi foomka codsiga, kadibna gudbi.
Waxaa muhiim ah in codsiga la dhammeystiro ka hor waqtiga kama dambaysta ah, maadaama jaamacaddu ay sheegtay in codsiyada ardayda aan EU-da ahayn ee fiisaha u baahan ay leeyihiin tiro codsiyo oo ugu badnaan ah oo ku xiran boosaska barnaamij kasta.
📢 Gunaanad – Kulmis Hub
University of Turin waxay fursad u tahay ardayda doonaysa inay waxbarashadooda ka sii wataan dalka Talyaaniga, gaar ahaan kuwa raadinaya barnaamijyada Bachelor iyo Master.
Ardayda xiisaynaysa codsiyada sanad-dugsiyeedka 2027/2028 waxaa lagula talinayaa inay hore u sii diyaarsadaan dukumentiyadooda, ayna si taxaddar leh u akhriyaan shuruudaha jaamacadda.
Kulmis Hub waxay bulshada Soomaaliyeed la wadaagtaa macluumaadka fursadaha waxbarasho ee caalamiga ah, iyadoo sidoo kale ka caawisa ardayda diyaarinta dukumentiyada iyo habraacyada codsiyada jaamacadaha.
🌐 Website: https://www.kulmishub.com
📱 Social Media: @KulmisHub
Xusuusin: Macluumaadka iyo taariikhaha codsiga waa in mar kasta laga xaqiijiyaa bogga rasmiga ah ee jaamacadda. Shuruudaha, barnaamijyada iyo khidmadaha kale way ku kala duwanaan karaan koorsooyinka.