KULMIS HUB
WHO Internship Programme 2026: Fursad Tababar Caalami ah | Kulmishub

WHO Internship Programme 2026: Fursad Tababar Caalami ah | Kulmishub

Wadanka: Dalal Kala duwan

WHO Internship Programme 2026: Fursad Tababar Caalami ah oo Ardayda u Furan

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee World Health Organization (WHO) ayaa bixinesa barnaamijka WHO Internship Programme 2026, kaas oo fursad u siinaya ardayda jaamacadaha iyo dadka dhowaan qalin-jabiyey inay khibrad shaqo ka helaan hay'ad caalami ah oo ka shaqaysa caafimaadka iyo horumarinta bulshada.

Barnaamijkan waxaa loogu talagalay dadka xiisaynaya caafimaadka bulshada, caafimaadka guud, cilmiga bulshada, maamulka, xiriirka dadweynaha iyo qaybaha kale ee la xiriira hawlaha WHO.

Internship-kani wuxuu qofka siin karaa fursad uu ku kobciyo aqoontiisa, xirfaddiisa iyo fahamka shaqada hay'adaha caalamiga ah.

Faahfaahinta WHO Internship 2026

- Hay'adda: World Health Organization (WHO)
- Barnaamijka: Internship Programme 2026
- Heerka waxbarasho: Undergraduate, Graduate iyo Postgraduate
- Dadka codsan kara: Ardayda iyo qalin-jabiyeyaasha dhowaan dhammeeyey waxbarashadooda
- Goobta: Waxay ku xiran tahay booska shaqo ee la shaaciyo.
- Deadline: Waqtiga codsigu wuu kala duwan yahay boos kasta waqti ugaar ah ayuu leeyahay.

Barnaamijku wuxuu u furan yahay qofkasto , iyadoo codsadayaashu ay buuxinayaan shuruudaha WHO.

Yaa Codsan Kara?

Dadka doonaya inay codsadaan waa inay si fiican isaga fiiriyaan  shuruudahan:

1. Waa in qofka  ugu yaraan 20 sano jiro da'diisa marka uu ccodsanayo.
2. Waa inuu ama dhammeeyay waxbarasho la xiriirta caafimaadka bulshada, caafimaadka, cilmiga bulshada, maamulka, xiriirka dadweynaha ama qaybaha kale ee la xiriira shaqada WHO.
3. Qalin-jabiyeyaashu waa inay codsadaan 18 bilood gudahood marka ay dhammeeyaan waxbarashadooda.
4. Waa inay dhammaystireen ugu yaraan saddex sano oo waxbarasho jaamacadeed oo waqti-buuxa ah.
5. Waa inay si fiican u yaqaannaan ugu yaraan hal luqad oo laga isticmaalo xafiiska ay codsanayaan.
6. Waa inay haystaan baasaboor uu bixiyey dal xubin ka ah WHO.
7. Waa inaysan hore uga qaybgelin WHO Internship Programme.

Shuruudaha oo dhammaystiran iyo kuwa boos kasta gaar u ah waa in laga hubiyaa ogeysiiska rasmiga ah.

Maxay Yihiin Faa'iidooyinka?

WHO waxay bixisaa taageero ku xiran xaaladda codsadaha iyo booska internship-ka.

- Living Allowance: Codsadayaasha la doorto ee u baahan taageero dhaqaale waxay heli karaan gunno nololeed.
- Medical Insurance: Caymis caafimaad  inta lagu jiro muddada internship-ka.
- Lunch Vouchers: Qaar ka mid ah goobaha shaqada waxaa laga heli karaa kaararka cuntada.
- Khibrad Caalami ah: Fursad lagu kobcinayo CV-ga iyo xirfadaha shaqo.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in barnaamijku aanu dhammaan codsadayaasha siinayn gunno dhaqaale; taageeradaasi waxay ku xiran tahay shuruudaha iyo xaaladda codsadaha.

Sidee Loo Codsanayaa?

Si aad u hesho faahfaahinta boosaska bannaan, shuruudaha iyo habka codsiga, booqo bogga hoose:

Faahfaahinta WHO Internship 2026:

https://fellowshipsguide.com/who-internship/

Ka hor intaadan codsan, hubi in booska aad xiisaynayso weli furan yahay, isla markaana aad buuxinayso dhammaan shuruudaha. Taariikhaha kama dambaysta ah waxay ku kala duwan yihiin boosaska la shaaciyo.

Gunaanad

WHO Internship Programme 2026 waa fursad qiimo leh oo ay ka faa'iidaysan karaan ardayda iyo qalin-jabiyeyaasha doonaya inay khibrad ka helaan hay'ad caalami ah. Haddii aad buuxiso shuruudaha, akhri faahfaahinta booska aad xiisaynayso, kadibna raac habka codsiga ee lagu sheegay ogeysiiska.

Kulmis Hub – Hoyga Fursadaha Caalamiga ah.
Official / Apply