KULMIS HUB
World Leaders Convention 2027 Austria | Kulmishub

World Leaders Convention 2027 Austria | Kulmishub

Wadanka: Austria

Deadline: 2026-11-29

World Leaders Convention 2027 Austria: Fursad Shir Caalami ah oo Vienna ka Dhacaya

Ma xiisaynaysaa hoggaaminta, diblomaasiyadda, horumarinta bulshada iyo iskaashiga caalamiga ah? Waxaa la shaaciyey World Leaders Convention 2027, oo ah shir caalami ah oo lagu qabanayo magaalada Vienna ee dalka Austria, kaas oo isu keenaya ardayda, dhalinyarada, xirfadlayaasha iyo dadka xiiseeya hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.

Shirkan waxaa qabanqaabinaya Organization for Global Policy & Dialogue (OGPD), waxaana uu noqonayaa Shir weynihii  saddexaad ee World Leaders Convention. Labadii shir ee ka horreeyey waxaa lagu qabtay Madrid, Spain sannadkii 2025 iyo Brussels, Belgium sannadkii 2026.

Faahfaahinta World Leaders Convention 2027

- Magaca: World Leaders Convention 2027
- Qabanqaabiyaha: Organization for Global Policy & Dialogue (OGPD)
- Goobta: Vienna, Austria
- Taariikhda: 3–6 February 2027
- Muddada: 4 maalmood
- Luqadda: English
- Deadline-ka codsiga: 29 November 2026
- Nooca fursadda: International Conference
- Jinsiyadaha: Dhammaan dalalka caalamka

Sida lagu sheegay website-ka qabanqaabiyaha, shirku wuxuu diiradda saari doonaa hoggaaminta, wada-hadalka caalamiga ah, iskaashiga dhaqamada kala duwan iyo horumarinta fikradaha cusub.

Maxaa Laga Filayaa Ka-qaybgalayaasha?

World Leaders Convention 2027 waxaa loogu talagalay in ka-qaybgalayaashu ay helaan aqoon iyo khibrad la xiriirta hoggaaminta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Waxyaabaha  Shirka looga hadli doono ama lagusoo bandhigi doono waxaa ka mid ah:

- Khudbado ay jeedinayaan marti-sharaf iyo khubaro caalami ah.
- Tababaro iyo dood-wadaagyo ku saabsan hoggaaminta.
- Wada-hadallo la xiriira siyaasadda iyo maamulka.
- Is-dhexgal iyo xiriir-dhis caalami ah.
- Is-weydaarsiga fikradaha iyo waayo-aragnimada.
- Doodaha ku saabsan horumarinta waarta iyo xalinta caqabadaha caalamiga ah.

Ka-qaybgalayaashu waxay heli doonaan fursad ay kula kulmaan dad ka kala socda dalal iyo xirfado kala duwan.

Yaa Codsan Kara?

Sida ku cad shuruudaha OGPD, dadka doonaya inay codsadaan waa inay:

1. Da'doodu u dhexeyso 17 ilaa 40 sano.
2. Xiiseeyaan hoggaaminta, diblomaasiyadda, siyaasadda, hal-abuurka, ganacsiga ama horumarinta waarta.
3. Ka yimaadaan waddan kasta iyo  waxbarasho ama xirfadeed kasta ay leyihiin .
4. Awood u leeyihiin inay si wanaagsan ugu wada xiriiraan luqadda English-ka.
5. Diyaar u yihiin inay si firfircoon uga qayb qaataan afarta maalmood ee shirku socdo.
6. Xiiseeyaan iskaashiga iyo wada-shaqaynta caalamiga ah.

Shuruudaha oo dhammaystiran waxaa laga heli karaa website-ka rasmiga ah ee qabanqaabiyaha.

Fursadaha Maalgelinta (Funding Categories)

OGPD waxay shaacisay qaybo kala duwan oo ka-qaybgalayaashu ku heli karaan fursadda shirkan.

1. Fully Funded

Website-ka qabanqaabiyaha wuxuu qaybtaan ku sheegay 20 boos oo tartan iyo qiimeyn lagu soo xulayo. Faa'iidooyinka la taxay waxaa ka mid ah:

- Tigidh diyaaradeed oo labada dhinac ah (go and back)
- Hoy la wadaago, yacni dad aya isku qol jiifan dontaan 
- Cunto inta lagu jiro saacadaha shirku socdo.
- Warqadda martiqaadka fiisaha.
- Ka-qaybgalka shirarka iyo tababarrada.
- Shahaadada ka-qaybgalka.

Waxaa jira lacag codsi oo dhan $15.90, taas oo aan dib loo soo celinayn, xitaa haddii aan codsadaha la dooran.

2. Partially Funded

Qabanqaabiyuhu wuxuu sheegay inay jiraan 30 fursadood oo qayb ahaan la maalgelinayo. Faahfaahinta taageerada qaybtaan waa in laga hubiyaa OGPD.

3. Self-Funded iyo Forum Access Pass

Waxaa sidoo kale jira qaybo qofka ka-qaybgalaya looga baahan yahay inuu bixiyo kharashka ku xusan xirmada uu doorto. Sidaas darteed, qaybahan laguma tilmaami karo Fully Funded.

Sidee Loo Codsanayaa?

Dadka danaynaya shirkan waxay ka heli karaan faahfaahinta iyo foomka codsiga website-ka rasmiga ah kaas aad kaheleso markii aad kudhufato article kan dhamaadkisa ama official apply

Codsadayaasha waxaa lagula talinayaa inay akhriyaan shuruudaha, qaybaha maalgelinta iyo kharashyada ka hor inta aysan gudbin codsiga. Sidoo kale, waa muhiim in la hubiyo xogta ku saabsan lacagaha iyo dukumentiyada shakhsiga ah ka hor inta aan la codsan shirka.

Gunaanad

World Leaders Convention 2027 waa kulan caalami ah oo diiradda saaraya hoggaaminta, diblomaasiyadda, iskaashiga iyo horumarinta bulshada. Waxaa ka faa'iidaysan kara dadka buuxiya shuruudaha, isla markaana xiisaynaya inay aqoon iyo xiriir caalami ah ka helaan munaasabad ka dhacaysa Vienna, Austria.

Haddii aad danaynayso fursaddan, booqo website-ka OGPD si aad u hesho xogta ugu dambaysa, una hubiso shuruudaha iyo nooca maalgelinta aad codsanayso.

Fiiro gaar ah: World Leaders Convention waxaa qabanqaabinaya OGPD. Calaamadaha Midowga Yurub iyo Sustainable Development Goals ee ku jira boorarka xayeysiiska kaligood ma caddaynayaan in hay'adahaasi ay si rasmi ah u kafaala-qaadayaan shirkan.

Kulmis Hub – Hoyga Fursadaha Caalamiga ah.
Official / Apply